|
mbashbash@yahoo.com
maxamed aw bashbash

maah maaho qiimo leh
. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa 2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag
Online Contact Info
johnsmith@coldmail.com
Website
www.bashbash.8m.net
1-qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn. 2- qalbigu laba ruux ma wada qaado.
3- qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday
4- qaybshe qad ama qaaday.
5- Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
6- qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C)
7- qof nool oo ku hortaagan lagama quusto.
8 qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.
9 qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
10- Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa
11- qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa.
12- qoryo adistooda isku duwis baa horreysa
13-. qosol badani qoonsimaad noqoy.
14-. Qosol hiil leh.
15-. Qosol qoonsimaad noqay.
16-. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
17-. qunyar socde qodaxi ma mudo.
18-. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
. quud aan jirin qoryo u guro.
19-. Naf wax jecel allaa dhibay
20. Nafeey, nin ku doona ku waa.
21-. nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh.
22-. nafsigu ma hadho.
23-. naftu orod bay kugu aamintaa.
24-. Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
25-. Naxariis eebbe lagama quusto
26-. nimaad dhashay kuma dhalin.
27. nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco.
28. Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya.
29. Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
30-. nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn.
31-. Nimaan dhididin ma dhergo
32-. nimaan dhul marin dhaayo malaha.
33-. nimaan hadlin habartiina wax ma siiso.
34-. nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C)
35-. Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
36. nimaan naxariisan looma naxariisto.
37. nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada.
38. nimaan qooq dilin maroodi ma dilo.
40. nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo.
41-. nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan.
42-. nimaan shaqaysan shaxaad baa dila
43-. nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto.
44. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
45-. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
6
|